
Ciyaaryahanka rabshada badan ee qadka dhexe ka ciyaara ayaa feer kala kulmay laba nin xilli uu maraayey banaanka goobta lagu caweeyo ee Garlands ee ku taala bartamaha magaalada Liverpool.
Sawir ku aadan dhacdadaas ayaa muujinaya Barton oo aan shaar gashaneyn oo ay boliiska iyo haweeney ay gadaal u jiidayaan, sawirkaasoo la soo dhigay Twitter.
Haweeney u hadashay Booliska Merseyside ayaa tiri:
“Boliiska Merseyside ayaa looga wacay wadada [Eberle Street] ee ku taala bartamaha magaalada Liverpool markii ay goorsheegtadu ku beegneyd 5.30am saakay”
“Markii ay boliisku yimaadeen waxa ay heleen nin 29 jir ah oo dhaawac uu wajiga kaga yaalo. Ninkaas waxa uu goobta kaga tagay si iskiis ah”
“Laba nin oo 21 jiro ah oo ka yimaaday Goobta L13 ayaa lagu xiray dhacdadaas waxaana lagu hayaa xabsiga” ayey ku dartay haweeneydaasi.
Barton ayaa la ganaaxay 12 kulan xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii laga saaray ciyaartii ugu dambeysay ee QPR ay guuldarada kala kulantay Manchester City maalintii igu dambeysay ee Horyaalka England Premier League