
Agaasimaha kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa bishii hore sheegay in Juve ay dooneyso inay ceshato ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Chile oo qaab ciyaareed wanaagsan la soo baxay tan iyo markii uu xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen.
Si kastaba, ka dib markii uu qeyb libaax leh ka qaatay hanashada horyaalka ee Juventus xilli ciyaareedkan, Vidal ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo caasimada Spain. “Halkaan ayaan ku faraxsanahay, waxaan ku guuleysanay Scudetto mana doonayo inaan ka fekero koox kale” ayuu Vidal ku sheegay Il Mattino.
“Taageerayaasha waa ay isdejin karaan madaama aan doonayo inaan wax badan kula guuleysto Juventus”
Vidal ayaa haatan diirada saaraya in Juventus uu ka caawiyo inay hanato labo koob xilli ciyaareedkan.
“Waan ka xoog badanahay AC Milan sababtoo ah waxaan ku guuleysanay horyaalka, waxaana sidoo kale finalka Coppa Italia la ciyaareynaa Napoli” ayuu yiri 24 jirkaan.
“Lakiin marka hore waxaan diirada saareynaa Atlanta, madaama aan dooneyno inaan xilli ciyaareedka ku dhameysano guuldarro la’aan”