
26 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore ku qaatay caasimada Talyaaniga, isagoo u saftay 30 kulan oo Serie A ah kooxda Giallorossi, kuwaasoo ay aheyd inay ogeysiiyaan 1da bisha June kooxda ciyaaryahanka iska leh hadii ay doonayanayaan inay si joogta ah u la wareegaan.
Si kastaba, xilligii balanta aheyd waa la dhaafay, islamarkaana Roma ma aysan u gudbin wax dalab ah kooxda heysata horyaalka La Liga, ciyaaryahanka reer Argentina ayaa haatan ku laabanaya Real Madrid halkaasoo boos uusan uga banaaneyn marka la fiiriyo ciyaartoyda khadka dhexe ee kooxda joogta.
Waxaa lagu soo waramayaa in ka tagistii kooxda ee Luis Enrique inay keentay bixitaanka ciyaaryahanka madaama tababaraha haatan shaqada kala wareegi doona Zdenek Zeman uusan Gago u arkin mid muhim u ah qorshihiisa kooxda.