
suurtagalnimada ay Thaigo Silva iyo Zlatan Ibrahimovic uga tagi karaan Milan
lana filayo inay ku biiraan PSG.
Labada ciyaaryahan ayaa la filayaa inay ka tagaan Milan oo ay ku biiraan PSG, iyadoo
kooxda ay iska leeyihiin maalqabeenada reer Qatar ay u soo bandhigtay Diavolo 65
milyan euro.
“Waxa ay aadayaan meesha ay lacagta taalo” ayuu tababare Zeman u sheegay Studio
Sport.
“Ilaa iyo inta saliida ugu danbeysa ay ka qalqaleyso, waa go’aanka saxda ah” ayuu
hadalkiisa raaciyay.
“Thiago ma uusan aheyn daafaca ugu fiican aduunka markii uu ku soo biirayay Milan,
Ibrahimovic isna waa la mid. Xaqiiqda ah in ciyaartoydaan waa weyn ee shishiiye
ay baxayaan waxa ay fursad siin kartaa ciyaartoyda da’da yar”.
Totti ayaa isna la weydiiyay hadii ka tagitaanka Milan ee Ibra iyo Silva ay fursad siineyso
Roma xilli ciyaareedka soo socda, waxa uu ku jawaabay:
“Maya, sababtoo ah Roma kuma soo biirayaan. Nasiib darro markii ay jiraan koox heysata
lacag aan xad laheyn waxa ay la saxiixan kartaa cid walba”.
“Waxa ay heystaan lacag ay ku kiciyaan suuqa kala iibsiga”.
Milan kaliya mahan kooxda wax iska iibineysa, iyadoo Roma lafteeda uu ka tagayo Fabio
Borini oo ku biiraya Liverpool.
“Borini waa ciyaaryahan fiican, waxaana rajeyneynaa inaan bedelno inkastoo aan heysano 7
weeraryahan kale” ayuu yiri Zemen.
Mar wax laga weydiiyay hadii uu xiiseynayo weeraryahanka Seina Mattia Destro waxa uu
ku jawaabay:
“Waa ciyaaryahan da’ yar oo Talyaani ah oo aan jeclahay”.