Ciyaaryahankii hore ee xulka Spain ayaa qabtay kooxda ku ciyaarta Stadio Olimpico xagaagii 2011, lakiin waxa uu ku dhibtooday inuu isbedel weyn ku sameeyo kooxda iyagoo haatan ku jira kaalinta 7aad.
Luis Enrique ayaa shalayto ciyaartoydiisa u sheegay inuu kooxda ka tagi doono ka dib kulanka ugu danbeeya ee Serie A marka ay ciyaaraan todobaadkan, waxaana Roma ay haatan xaqiijisay inuu tababaraha reer Spain ka tagayo.
“Muddo waqti ah ayaan ogeyn inuu inaga tagayo. Lakiin waxa uu Luis Enrique doonayay inuu marka hore u sheego ciyaartoyda” ayuu Baldini u sheegay Sky Italia.
“Wadahadal dheer ayaan la galnay a dib kulankii Fiorentina [25kii Aprill], waxaana uu markaasi inoo sheegay inuu doonayo inuu baxo”
“Waxaan aaminsanahay inuu qabtay shaqo fiican, waana sababta aan u siinay waqti badan oo uu go’aan ku gaaro”
Roma ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka ugu danbeeya ee Serie A ee xilli ciyaareedkan oo ay axada la ciyaarayaan Cesena.