
Marquinho kaasoo ay 3.5 milyan euro kaga soo iibsadeen kooxda Fluminense.
25 jirkaan ayaa bishii Janaayo waxa uu heshiis amaah lix bilood ah ugu wareegay
kooxda ka dhisan Stadio Olimpico, waxaana haatan uu saxiixay heshiis joogta ah
oo ku heynaya Roma ilaa iyo xagaaga 2016.
Roma ayaa ku bixineysa lacagta ay ku iibsatay Marquinho qaabka ‘ha I wareerinta’ loo
yaqaano, waxa ay haatan bixin doonaan 2 milyan euro, halka sannadka soo socda ay
bixin doonaan inta soo hartay oo 1.5 milyan euro.
Marquinho ayaa shabaqa soo taabtay seddex jeer 15 kulan oo uu u ciyaaray Serie A kooxda
Roma xilli ciyaareedkii dhamaaday.