
Cole ayaa ku adkeysanaya inuusan saxiixi doonin heshiis loo soo bandhigay oo kaliya hal sanno ah, waxaana uu isku diyaarinayaa inuu la hadlo kooxo ajnabi ah bisha Janaayo oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.
Daafaca England oo ku laabtay xulka England ee habeenka talaadada la ciyaaraya Poland, ayaa dhibane u ah siyaasada cusub ee Chelsea ay kula dhaqanto ciyaartoyda da’dooda ay ka weyn tahay 30 sanno jir.
Chelsea ayaa dooneysa inay hal sanno qandaraaska ugu kordhiso Cole, halka Cole uu isna doonayo inuu sannado dhowr ah laga saxiixo.
Hadii Cole oo 31 jir ah iyo Frank Lampard oo isna qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga soo socda ay ka tagaan Stamford Bridge, waxa ay xaqiijineysaa in Roman Abramovich uu kala burburinayo ciyaartoyda da’da weyn ee kooxda u qaaday Champions League.
Abramovich ayaa bishii March ku wargeliyay ciyaartoyda inay mas’uul ka ahaayeen ceyrintii la ceyriyay Andre Villas-Boas, islamarkaaana mustaqbalkooda uu xariiqinta dul saaran yahay, inkastoo ay ku guuleysteen FA Cup iyo Champions League, milkiilaha reer Russia ayay u muuqataa inuu ka dhabeenayo hadalkiisa, madaama Cole iyo Lampard ay u cuntami la’dahay heshiisyada ay kooxda u soo bandhigtay.