
31 jirkaan ayaa markii Twitter uu ku biiray waxaa islamarkiiba uu hadalo kulul kala kulmay taageerayaal badan oo Arsenal ah kuwaasoo weli ka careysan sidii uu uga tagay kooxda Waqooyiga London oo uu ugu biiray kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea.
Tan iyo intii uu ka tagay Ashley Cole Arsenal wax koob ah kuma aysan darin sanduuqeeda koobabka waxaana ay xaqiiqdii koobka ugu danbeysay 2005tii oo ay ku guuleysteen FA Cup, halka Cole uu ku darsaday Premier League, afar FA Cup, League Cup, Community Shield iyo Champions League.
Waxaana Cole oo intii koox ee uu u soo ciyaaray la qaaday 11 koob uu islamarkiiba u jawaabay taageerayaasha Arsenal ee ku soo weeraray bogiisa Twitter, isagoo soo qoray” “Waxaan ahay, ayaan ahay!!! Guuleyste ayaan ahay!! Hahahahaha 11 waa aniga adinkuna 0!!!”.
Daafaca bidix ayaa markaasi ka dib soo geliyay sawir uu kor u haayo Champions League isagoo ku dhex jira qolka labiska ee garoonka Allainz Arena.
Waxaa intaas sii dheereyd, Cole ayaa u jawaabay suxufiga caanka ah Piers Morgan kaasoo ah taageere Arsenal islamarkaana ugu yeeray daafaca ‘Cashley’ oo taageerayaal badan ay u isticmaalaan inuu lacag darted ugu biiray Chelsea.
“@piersmorgan qiyaas yaa guuleysanaya” ayuu Ashley Cole u qoray Piers Morgan.
Ka hor inta uusan u dirin sawir ay ku xardhan yihiin sideed koob oo uu qaaday intii uu tagay Stamford Bridge, halka calaamada Arsenal horteedana aysan ku xardhaneyn waxba.