
Daafaca bidix ee England ayaa saxaafada Ingariiska ay maanta qoreysay inuusan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda heysata Champions League, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacaya xagaagaa soo socda.
Sunday Mirror ayaa soo jeedisay in xiiseyntii hore ee Mourinho uu xiiseynayay Cole, oo ay sii raacdo dhaawaca mudada dheer ee Marcelo, iyo inaan la isku haleyn karin Fabio Coentrao inay keeneyso in Los Merengues ay u dhaqaaqdo qaboobaha 31 jirkaas.
Cole, oo la hadli kara kooxo kale bisha Janaayo madaama uu dhamaadka xilli ciyaareedkan si xor ah kaga tagi karo kooxda, ayaa sidoo kale waxaa doonaya kooxaha Manchester United, Paris Saint-Germain, Milan iyo Anzhi.