
31 jirkaani ayaa lasoo weriyey inuu ka qeybgalay tababarkii jimcaha, lakiin Sporting Life ayaa sheegeysa inuu tababarkaasi uu u ahaa mid fudud daafaca bidix.
Iyadoo ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin ee Frank Lampard iyo Gary Cahill ay dhaawacyo uga maqan yihiin Three Lions, Hodgson ayaa rajeynaaya inuu soo bogsoodo ciyaaryahanku ka hor kulankooda furitaanka Group D ay isniinta la ciyaarayaan xulka France.
Weeraryahankooda Jermain Defoe ayaa ah ciyaaryahanka keliya ee aan soo xaadirin jimcadii tababarka,ka dib markii uu dib ugu laabtay England geeridii ku timid aabihiis darteed.
Lakiin waxaa la filayaa in maanta uu dib ugu laabto Defoe Ukraine halkaasoo uu dib u la midoobi doono xulka qaranka England.