
Labada kooxood ayaa ku kulmi doona 31ka August Monaco, waxaana ay Atletico Madrid dooneysaa ugu danbeyn inay siiso abaalmarinta insignia� del� oro� y� brillantes, waa wax ay doonayeen inay siiyaan tan iyo markii uu dhaliyay goolkii guusha ee Spain u sahlay Euro 2008.
Atletico ayaa dooneysay inay abaalmarin sharafeedkan siiso Torres markii ay la ciyaarayeen Liverpool xilli ciyaareedkii 2008-09 wareega group-yada Champions League, lakiin Torres ayaa dhaawacnaa labada kulanba.
Kooxda ayaa haatan qorsheyneysa qaabka ay ku siin doonaan abaalmarintan kabtankoodii hore, lakiin waa ay ku adkaan doontaa inay waqti badan ku qaadato madaama labada kooxood ay xilli xadidan joogayaan Monaco.
Tan iyo intii ay go’aansadeen inay abaalmarintaan siiyaan, 28 jirkaan ayaa markaasi ka dib ku guuleystay World Cup iyo Euro uu la qaaday La Roja iyo Champions League uu la qaaday Chelsea.
Ka dib markii ay gudbiyeen codsigooda, Atletico Madrid ayaa jawaab ka sugeysa Uefa oo ku aadan hadii loo ogolaaday tikidho ka badan inta haatan la siiyay ciyaarta ka dhaceysa Stade Louis II Stadium.