Traore oo markii uu saxiixay heshiiska Milan kadib la hadlay website FIFA ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay horumarka cusub ee uu ka gaaray mustaqbalkiisa ciyaaraha.
Traore, waa labo xirfad leh ka ciyaara difaaca iyo khadka dhexe, wuxuuna ka ka mid ahaa xulkii Mali ee sanadkaan kaalinta 3aad ka galay koobkii Qaaradda Africa ee Africa Cup of Nations.
Traore wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee Mali u dhasha ee ku biira qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda yurub, marka laga yimaado Seydou Keita (Barcelona), Mahamadou Diarra (ex-Real Madrid) iyo Frederic Kanoute (Seville).
by_Mhammed osman