
Marka laga reebo Jordi Alba ciyaartoyda kale ee Barcelona ee la maqnaa xulka qaranka waxa ay qaadan doonaan fasax labo isbuuc dheeri ah, iyadoo Jordi Alba uu ku biiri doono xulka Spain ee ciyaaraha Olimbikada adduunka.
Ilaa iyo 7 ciyaaryahan ayaa fasaxaan dheeriga ah la siiyay oo kala ah Valdes, Xavi, Iniesta, Pique, Busquets, Pedro iyo Fabregas.
Ciyaartoyda kale ee Barcelona ayaa la filayaa inay bilaabi doonaan tababarka ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub 15ka bishaan July halka ciyaartoyda fasaxa dheeriga la siiyay ay kooxda ku soo laaban doonaan 30ka bisha July.