
Rafinha ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona, ka hor inta aysan labada kooxood rigoore isgu jawaabin, mid uu dhaliyay Lionel Messi iyo mid uu dhaliyay Zlatan Ibrahimovic. Oumana Camara ayaana xilli danbe shabaqa soo taabtay oo ciyaarta u diray rigoore.
Gool ku laad, PSG ayaa qasaarisay labadii rigoore ee ugu horeysay, iyadoo Barca ay ku hogaamineysa 3-0. Sylvain Armand ayaa hal rigoore u dhaliyay PSG, lakiin rigooradii guusha waxaa u dhaliyay kooxda martida aheyd Gerard Pique.
Kulankaan xiisaha lahaa ayaa labada dhinacba u ahaa diyaar garow wanagsan, iyadoo PSG ay horyaalka cusub ee Faransiiska sabtida soo socota la ciyaari doonto Lorient, halka kooxda Catalans ay Real Madrid Supercopa la ciyaari doonto 23ka August.
Dhinaca kale Manchester City ayaa si raaxo leh ku dhaaftay kooxda Bundesliga ka dhisan ee Wolfsburg xalayto, iyagoo ku dubtay 2-0.
Ciyaarta oo shan daqiiqo ay ka dhiman tahay qeybteedii hore ayaa waxaa hogaanka u dhiibay kooxda heysata horyaalka Ingariiska Sergio Aguero, halka 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta qeybtii labaad uu hogaanka u dheereeyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee dalka Ivory Coast Yaya Toure.
City ayaana guul sahlan ku soo gabagabeysay ciyaaraheeda saaxiibtinimo ka hor inta aysan isbuuca soo socda Community Shield la ciyaarin kooxda Chelsea.
Dhinaca kale Chelsea ayaa isku diyaarinteeda xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ku soo gabagabeysay guuldarro 3-1 oo ka soo gaartay kooxda heerka labaad ee dalka Ingariiska Brighton ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Amex Stadium.
Frank Lampard ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea, lakiin goolal ka kala yimid Vicente, Ashley Barnes iyo Andrew Crofts ayaa guul lama filaan ah u xaqiijisay kooxda ka ciyaarta Championship-ka Ingariiska.
Natiijadan ayaa waxa ay la micno tahay in Chelsea ay wajiji doonto Manchester City isbuuca soo socda iyadoo seddex kulan oo saaxiibtinimo laga soo badiyay.
Dhinaca kale kooxda Juventus ayaa iyadana waxa ay 2-0 kaga talaabsatay kooxda Malaga ee dalka Spain ciyaar saaxiibtinimo oo ay isagu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.
Juventus ayaa labada gool ee ay kaga badiyeen kooxda reer Spain waxa ay uga mahadcelinayaan Alessandro Marti.
AC Milan ayaa iyadana 3-1 kaga badisay kooxda CD Olimpia, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen labo gool oo uu dhaliyay Nocerino iyo gool uu dhaliyay xiddiga reer Brazil Robinho.