
18 jirka Agostinho Ca ayaa ku dhashay Guinea-Bissau, lakiin waxa uu u ciyaaray xulka juunyeerka Portugal. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka mid ahaa xulka Portugal ee da;doodu ka yar tahay 19 sanno ee qeybgalay ciyaarihii Euro.
Agostinho Ca ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Oeiras, lakiin waxa uu ku biiray akadeemiga Sporting xagaagii 2009.
Edgar Ie, waxa uu dhashay 1994kii waxaana uu Lisbon isna kaga soo biiray isla kooxda Oeiras, waxaana uu u soo saftay xulka juunyeerka Portugal. Daafaca ayaa caadiyan ka ciyaara daafaca midig lakiin sidoo kale waxa uu ciyaari karaa daafac dhexe.
Labada ciyaaryahan oo mustaqbal fiican leh ayaa mustaqbalkooda Blaugrana ka bilaabi doona kooxda Barcelona B.