
Waxaana ciyaaryahankani lala xiriirinayay Reds bilooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo Barcelona ay haatan diyaar u soo noqoneyso inay heshiiska ciyaaryahanka kala xaajooto.
Sida ay qortay Daily Mail kooxda reer Spain ayaa u sheegtay Liverpool inay miiska soo saaraan 7 milyan ginni hadii ay doonayaan ciyaaryahan Cristian Tello.
Tello ayaa qandaraaskiisa Blaugrana waxa uuu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu sidoo kale diirada u saaran yahay kooxo kale oo ay ku jiraan Valencia, Malaga iyo Benfica.