
Dhawaan ayaa tababare Tito Vilanova uu shir jaraa’id ku sheegay in inay video ka sameyn karaan dhamaan taakalada xun ee Pepe ka dib markii Pepe uu ku eedeeyay ciyaartoyda Barca inay si sahlan isku tuuraan oo ay masrixiyad sameeyaan.
Sida laga soo xigtay Catalunya Radio, Barcelona ayaaba hore u sameysay Video, kaasoo si qarsoon loogu keydiyay xafiiska madaxda Barcelona, waxaana ka mid ah dhacdooyinka video-gaas ku jira qaladaadkii uu Pepe ka galay Lionel Messi.
Sida ay sheegtay idaacadaas, kooxda ayaa qolyo wax dhiraandhiriya u dirtay inay soo uruuriyaan muuqalaadii Pepe uu qaladaadka ku galay xilli ciyaareedkii 2010-11.
Muuqaalkaas la sameeyay ayaa waxaa ansixiyay Guardiola oo markaas macalin kooxda u ahaa iyo Tito Vilanova, inkastoo Barcelona ay go’aansatay inaysan baahin waqti xaadirkaan.
Agaasimaha dhanka xiriirka ee kooxda Barcelona Pere Gratacos, ayaa goor dhow sheegay in xiriir fiican uu kala dhaxeeyo Real Madrid, islamarkaana uusan ka warqabin muuqaal laga sameeyay dhacdooyinka qaladaadka xun ee uu Pepe ku sameeyay garoonka dhexdiisa.
Laakiin waxa uu ugu baaqay wariyayaashii su’aalaha weydiinayay inay arintaas kala xiriiraan agaasimaha Isboortiga Andoni Zubizarreta.
Real Madrid ayaa sheegashadaas muuqaalka la sameeyay si carro leh uga jawaabtay iyadana.
“Pepe waa ciyaaryahan aan caadi aheyn oo qiimeyn weyn inoo leh” ayuu agaasimaha Isboortiga Real Madrid Miguel Pardeza kaga jawaabay markii wax laga weydiiyay.
“Waa ciyaaryahan waxa uu awoodo oo dhan u qabta kooxda, waa daafac adag oo raaca sharciyada, mana u qalmo in sidaan loo daba dhigto. Real Madrid waligeedna waxaan oo kale ma aysan sameyn”.