
Ciyaartab waxa ay 8da bisha August ka dhici doontaa Ullevi Stadium halkaasoo lagu qabtay finalkii Uefa Cup 2004.
Labada kooxood ayaa ciyaar saaxiibtinimo ku kulmay 30kii July 2011 ciyaar ka dhacday FedEx Stadium ee magaalada Washington Michael Owen ayaa guusha u xaqiijiyay United oo 2-1 ku dubatay Barcelona.
Labada kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka ayaa sanadihii ugu danbeeyay kulamo culus isaga horyimid sida finalkii Champions League ee 2009 iyo 2011, labada jeerna waxaa qaaday Barcelona.