
Labada kooxood ee ka dhisan Catalan ayaa ku balansanaa inay koobkaan ciyaaraan 31ka July oo maanta ah, lakiin Blaugrana ayaa go’aansatay inaysan ciyaarsiinin kooxdeeda waa weyn, iyagoo ka baqayay dhaawacyo soo gaara ama daal soo wajaha ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Go’aankoodaas waxa uu keenay in la kansalo kulankaan, iyadoo madaxa Espanyol Joan Collet uu ku eedeeyay Barca inaysan ixtiraam u heynin kooxdiisa.
Kooxda ku guuleysatay Copa del Rey ayaa haatan xaqiijisay inay aqbashay xalkii uu keenay xiriirka kubada cagta Catalunya FCF ee ah in kulankaan la ciyaaro waqti kale.
“Barcelona waxa ay mar walba taageertaa xiriirka kubada cagta Catalunya, kubada cagta Catalunya iyo guud ahaan Sports-ka Catalan” ayay Barca ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
“Kooxda waxa ay aqbashay go’aankii xiriirka kubada cagta Catalan ee ah in la ciyaaro Supercopa Catalunya 26ka September. Tababaraha Barcelona waxa uu kulankaas la soo shirtagi doonaa kooxdiisa ugu fiican ee macquulka ah”.
Koobka Supercopa Catalunya ee Espanyol ayaa ku soo aadaya seddex maalin ka hor inta aysan Barcelona la ciyaarin Sevilla, kulankooda afaraad ee horyaalka.