
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa aad loo hadalhayay intii lagu maqnaa ciyaaraha caalamiga, markii hore waxa ay ereyo kulal isdhaafsanayeen Andres Iniesta ka dib kulankii El Clasico, ka dibna waxaa soo baxay eedeymo cusub oo ku wajahan kooxda Blaugrana oo ah inay muuqaal ka sameeyeen qaladaadka uu Pepe ku galay ciyaartoydooda xilli ciyaareedkii 2010-11.
Tababarihiisa Mourinho ayaase dhinac kale u jeediyay sheekada maalintii jimcaha shirkiisii jaraa’id isagoo soo jeediyay in Barcelona ay mar doonayeen inay la saxiixdaan daafaca Pepe.
“Mourinho ma uusan dhihin Barca, sax?” ayuu isweydiiyay goolhayihii hore Andoni Zubizarreta.
“Liiska dadka aan dooneyno, marnaba Pepe ma uusan soo gelin. Tan iyo 2010kii intii aan halkaan joogo, Pepe marnaba liiskeena kuma jirin.
“Marnaba laguma soo hadal qaadin dhanka farsamada kooxda ama dhanka isboortiga ee kooxda.” ayuu kaga jawaabay agaasimaha kooxda Barcelona.