
Ciyaaryahanka xulka Jarmalka ayaa waxaa loo arkaa in uu yahay nin mustaqbal ku leh daafaca waxaana ay qabatay isha naadiga Camp Nou.
Blaugrana ayaa waxaa la sheegay in laga yaabo in ay u gudbiso dalab qiimihiisu yahay €24m xagaaga soo socda.
Sida ay qortay 4-4-2.com, the 23-jirkaan ayaa waxa uu ugu sareeyaa liiska ay ciyaaryahanada Barcelona ee dooneyso inkastoo dhowaan uu cusbooneysiiyey heshiiska uu kula jiro kooxda Westfalenstadion kaasoo ku eg sanadka 2017.
Hummels ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa kooxda Dortmund isagoo kula guuleystay saddex koob oo Bundesligaha ah iyo hal koob oo DFB-Pokal Cup. Waxna uu ciyaaryahankan ka mid ahaa ciyaaryahanadii safka hore ka ciyaarayay koobka Euro 2012.