
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa kubada inteeda badan iska heysatay islamarkaana weeraro isdaba joog ah hayay kooxda Barcelona lakiin waxa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan iyagoo helay fursado goolal loo fishay.
Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, lakiin qeybtii labaad ayay ciyaarta si fiican u noolaatay markii Real Madrid ay hogaanka qabteen iyadoo Cristiano Ronaldo uu hogaanka ugu dhiibay gool madax ahaa.
Lakiin daqiiqad ka dib waxaa Barcelona islamarkiiba u barbareeyay ciyaaryahan Pedro oo kubad deg deg aheyd ku helay.
Waxaana Barcelona ay hogaanka qabatay markii Sergio Ramos uu rigoore ku galay Andres Iniesta, waxaana rigooradaas gool u sarifay ciyaaryahan Lionel Messi oo goolkiisii 14aad ka dhaliyay Real Madrid.
Iniesta oo si weyn ciyaarta ugu dhex muuqday ayaana injineer ka ahaa goolkii 3aad ee Barcelona markii uu kubad la dhexmaray daafacyada Madrid uu u dhex bixiyay Xavi kaasoo isna si fudud ku dabamariyay goolhaye Iker Casillas.
Real Madrid ayaa isku dayday inay ciyaarta ku soo laabato, waxaana kubad counter attack ay qaadeen ay noqotay mid hungowday, lakiin Angel Di Maria oo aan quusan ayaa kubad dib loogu baasay Valdes waxa uu saaray cadaadis taasoo keentay in Valdes uu kubada bixin waayo islamarkaana Di Maria oo bedel ku soo galay uu shabaq faaruq ah kubad dhex dhigo.
Lugta labaad Spanish Super Cup ayaa waxa ay ka dhici doontaa Santiago Bernabeu arbacada soo socota. Real Madrid waxa ay u baahnaan doontaa ugu yaraan guul 1-0 ah, halka Barcelona ay ku filan tahay inay barbaro galaan kaliya.