
Si kastaba Pedro Rodriguez ayaa u furay Goolasha Barcelona daqiiqadii 3aad ee ciyaarta ka dib Koorno uu soo tuuray Lional Messi oo uu si sahlan shabaqa ugu hubsaday.
Goolka labaad ee Barcelona ayaa yimid daqiiqadii 20aad ka dib markii kubad uu ka soo shaqeeyey Andres Iniesta uu si xifradeysan laba difaac oo Athletic Bilbao ah uga dhex dhiibay Lionel Messi Ka dibna xidiga Barcelona ayaa si la yaqaan shabaqa ugu hubsaday.
Goolka u diray hurdada Bilbao ayaa yimid shan daqiiqo ka dib markii uu si fiican u soo agaasimay Xavi Hernandez isagoo baas qurxoon u dhigay Pedro Rodriguez ka dibna Pedro ayaa banaanka diilinta 18aad si toosan shabaqa goolhaye Iraizoz ugu shubay kubad aad u qurux badnaa.
Kooxda Bielsa ayaa heshay fursado goolal loo filan karay laakiin waa ay iska qasaariyeen
Barcelona ayaa caawa sagootisay Pep Guardiola oo afar sano uu macalin u ahaa la qaaday 14 Koob iyadoo ay si weyn ugu dabaal degtay Vicente Calderon Stadium.