
Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa waxaa dhaliyay ciyaaryahan Adriano qeybtii hore daqiiqadii, Iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu si qatar ah kubad meel dheer oo diilinta banaankeeda ah uga soo toogtay, waxaana ay aheyd goolka kaliya ee Camp Nou ka dhashay.
Barcelona ayaa badisay kulankoodii seddexaad ee La Liga ka dib guulal ay ka gaareen Real Sociedad iyo Osasuna, waxaana ay hogaanka ku qabteen sagaal dhibcood, iyadoo Mallorca ay ku soo xigto iyadoo leh 7 dhibcood ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Real Sociedad.
Malaga iyo Rayo Vallecano ayaana min 7 dhibcood la wadaaga.
Guusha ay gaartay Barca ayaa waxa ay la micno tahay inay boqolkiiba 100 ku bilowdeen xilli ciyaareedkan. Halka kooxda aan weli guusha gaarin ee Valencia ay fadhiso kaalinta 17aad seddex kulan oo ay ciyaareen.
Ma xiiseyneysaa Maqaalkaan? La Wadaag Asxaabtaada: