
kooxda.
Ciyaaryahanka reer Mali ayaa labo sanno ay uga hartay qandaraaskiisa Blaugrana, lakiin
heshiiskii uu hore u saxiixay waxaa qeyb ka aheyd inuu bixi karo hadii uu
ciyaaro in ka yar boqolkiiba 50 ciyaarihii xilli ciyaareedkii hore.
Waxaa la filayaa inuu maanta u saxiixo heshiis labo sanno iyo bar ah kooxda reer China
Dalian Aerbin, kuwaasoo sannadkan bilowgiisa lala xiriirinayay Didier Drogba iyo
Amauri.
“Seydou Keita waxa uu ku dhawaaqay caawa [xalay] inuusan kooxda u sii ciyaari doonin
xilli ciyaareedka soo socda” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka
Barcelona.
“Barcelona waxa ay jeclaan laheyd inay u mahadceliso Seydou Keita doorkii uu ka qaatay
kooxda sannadihii u danbeysay, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan”.
Keita ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda Sevilla 2008dii, isagoo u dhaliyay 22 gool
168 kulan oo uu u saftay kooxda reer Catalans.