
La Blaugrana ayaa ogolaatay inay xirato midabada guduudka iyo jaalaha ee Senyera, taasoo aan dhicin 113 sanno oo taariikhda kooxda ah.
Senyera ayaa maalmahan loo isticmaalaa calamada ismaamul goboleedyada Catalonia, Aragon, Valencia iyo jasiiradaha Balearic.
Agaasimayaasha Barcelona iyo waaxooda suuq geynta ayaa dareensan inay bilow u noqon doonto arintaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya kooxda iyo Catalonia.
Barcelona ayaa goor sii horeysay calanka Catalan ku soo sharxatay qoorta maaliyadeeda markii uu xilka madaxweynaha ka hayay Joan Laporta.