Ninkaan u dhashay Jarmalka ayaa rumeysan in Mourinho uu yahay Tababare soo jiidasho leh oo damaanad qaadi kara guusha, wuxuuna rajeynayaa in Bayern ay sameyn doonto si ay Mourinho ku helaan hadii ay noqoto inay raadiyaan tababare cusub.
“Waa inaan u qiraa aragtideyda Mourinho inuu yahay macalinka heer sare ah. Laakiin nasiib darro ma ku hadli karo luqada Jarmalka, si walbaba,waxaan rumeysanahay in Mourinho uu yahay macalin shaki la’aan guulo u soo hoyn kara Bayern” Schweinsteiger ayaa u sheegay Bild
“Aad ayaan uga helay Mourinho, hadii Bayeyn ay keeni laheyd weligeen suuqa kama raadineen Macalin cusub.” ayuu ku daray.
Mourinho ayaa sheegay inuusan ka tegeyn Real Madrid goor dhow wuxuuna ku daray in qoyskiisu ay la dheceen nolasha Madrid