
Weeraryahanka reer Croatia Mandzukic ayaa labo gool madaxa ugaga dhaliyey kooxdiisii hore isagoo haatan leh shan gool waxaana goolka ugu horeeya ee ay kooxda Bayern dhalisey qeybtii hore ee ciyaarta u saxiixay Bastian Schweinsteiger.
Kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Eintracht Frankfurt ayaa barbaro 3-3 ah waxa ay la galeen kooxda haysata horyaalka Bundesligaha ee Borussia Dortmund iyadoo kooxda Dortmund ay hoos ugu dhacday kaalinta shanaad iyadoo leh siddeed dhibcood.
Schalke 04 ayaa 3-0 ugaga badisey kooxda Mainz 05 waxayna guushan u horseeday in ay kaalinta saddexaad ay gaaraan iyagoo leh 10 dhibcood.
Horyaalka Jarmalka ee loo yaqaan Bundesligaha ayaa xiiso gaar ah leh xilli ciyaareedkan iyadoo ay soo baxeen kooxo aan hore u soo tiigsan jirin kaalmaha hore ay haatan gaareen heer ay kaalimaha hore soo galaan.