
Goolasha waxa u furay kooxda Bayern Munich Mandzukic ka hor inta uusan Gustavo u labeynin qeybtii hore ee ciyaarta oo lagu kala nastay 2-0.
Bayern ayaa qeybtii labaad halkeeda ka sii waday goolasha waxaana labo gool u dhaliyay qeybtii labaad ciyaaryahan Thomas Muller, halka goolka shanaad uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay Rafinha.
Bayern Munich ayaa 8dii kulan ee ay ciyaarta ilaa iyo haatan Bundesliga waxa ay ka heshay dhibcaha buuxa oo ah 24 dhibcood oo ay hogaanka ku hayaan.
Waxaana ay rajeynayaan inay isbuuca soo socda barbareeyaan rikoorka Juventus iyo Real Madrid kuwaasoo 9 kulan oo isku xigta oo xilli ciyaareed u horeeya ee horyaalka badiyay.
Guulaha ugu badan ee isku xiga ee ka soo bilowda bilowga horyaalka:
Netherlands 17 PSV 1987/1988
England 11 Tottenham Hotspur 1960/1961
Portugal 11 Sporting CP 1990/1991
Italy 9 Juventus 2005/2006
Spain 9 Real Madrid 1968/1969
Germany 8 (weli waa u socdaa rikoorka) Bayern München 2012/2013
France 8 Olympique Lillois 1936/1937
Dhinaca Kooxda difaacaneysa Bundesliga ee Borussia Dortmund ayaa guuldarro 2-1 ah ay ka soo gaartay kooxda Schalke.
Xiddiga amaahda kaga soo maqan Barcelona Ibrahim Affelay ayaa hogaanka u dhiibay Schalke, waxaana u labeeyay Hoger, ka hor inta uusan Lewandowski gool u soo celinin kooxda Dortmund.
Dortmund waxa ay ku jirtaa haatan kaalinta 4aad iyagoo leh 12 dhibcood, halka Schalke ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo leh 17 dhibcood.
Bayer Leverkusen ayaa iyadana waxa ay barbaro 2-2 ah la galeen kooxda Mainz, halka kooxda Frieburg ay 2-0 ku tuntay Wolfsburg, Weder Bremen ayaana 4-0 u saarisay kooxda Monchengladbach.