
Manchester City ayaana si taxadar leh u dhegeysan doonta dalabka uga imaanay FC Hollywood, iyagoona maanka ku haya inay heshiiska qeyb uga daraan kubad sameeyaha Bayern Munich Thomas Muller, kaasoo sidoo kale diirada u saran tahay kooxda Inter.
Jariirada The Sun ayaa ogaatay bishii lasoo dhaafay in kooxda ku guuleysatayay horyaalka Engl Premier League ay dhegeysan doonto dalabyada u imaanaya ciyaaryahankooda Dzeko,kaasoo ay 27 million kaga soo qaateen kooxda Wolfsburg 18 bilood ka hor.
Ilo ku dhow kooxda reer Jarmal ayaana cadeeyey qorshaha kooxdu ay ku dooneyso inay kusoo dhaqaajiyaan weeraryahanka Man city.
Sky Blue ayaa diirada saareysa 22 jirkaan Muller, iyagoo doonaya inay si dhaqso ah uga soo kexeeyaan Allianz Arena.
Madaxda Etihad ayaana doonaya in kooxda Jarmalka ay ka dhaadhiciyaan inay weeraryahankooda Eden Dzeko ugu daraan 5 million oo cadaan ah si ay u helaan Thomas Muller.