
Kooxda Bavarian ayaa waxa ay kulankan qeybtiisii hore xukumaysay garoonka waxaan goolkii ugu horeeyey u daah furay ciyaaryahanka dhowaan ku soo biirey kooxda ee Mario Mandzukic oo goolkiisii ugu horeeyey u dhaliyey waxaana shan daqiiqo kadib u labeeyey Thomas Muller.
Qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa gool u soo celiyey Dortmund Robert Lewandowski balse gool kale waa ay ka dhalin waayeen garoonka, taasoo u saamaxday Bayern Munich inay xareystaan koobkii ugu horeyey xilli ciyareedkan.
Franck Ribbery ayaa gacan weyn ku lahaa goolkii koowaad isagoo karoos fiican u dhigey ciyaaryahanka ku cusub kooxda kaasoo uga faa’ideeyey kooxda Bayer Munich.
Hase yeeshee ciyaarta markii ay socotay 11 daqiiqo waxa ay maraysay 2-0 waxaana Arjen Robben kubbad uu dhigey goolka agtiisa gool ka dhigey Muller.
Dadaal badan oo ay samaysay qeybtii dambe ee ciyaarta kooxda Dortmund ayaa goolal badan ay ku heli weysey hase yeeshee ciyaarta oo ay ka dhiman tahay 15 daqiiqo ayaa waxaa u dhaliyey gool Lewandowski kaasoo ka dhigey ciyaarta 2-1.
Gababagabadii ciyaarta ayaa muran uu ka dhashay kubbad uu gacanta ku taabtay diilinta ganaaxa dhexdeeda Lahm uu garsoorihii tilmaamay in ay ciyaarta socoto taasoo ka badbaadisey Bayern Munich in rigoore laga dhigo.