
Benfica ayaa goolka u horeeya waxa ay heshay ciyaarta oo shan daqiiqo kaliya socota waxana madaxa ugu dhaliyey Javi Garcia hase yeeshee labaatan daqiiqo kadib ayuu labo goo loo isku xigta u dhaliyey kooxda Madrid Jose Callejon iyadoo markaasi hogaankaay la wareegtay kooxda Real Madrid.
Hase ahaatee kooxdii ka socotay dalka Portuqal ayaa gool dhalisey daqiiqado kadib waxana goolkaa madaxa ugu dhaliyey Alex Witsel.
Si kasta ha ahaatee waxaa kooxda Benfica labo gool uu dhaliyey
Enzo Perez iyo gool uu dhaliyey Carlos Martins ka dhigtey ciyaarta mid kala daadisa kooxda Madrid oo ciyaartoy da’ yar iyo kuwo kalaba garoonka keentay.
Inta aysan ciyaarta bilaaban ayaa waxaa la hadlay oo gacanqaaday labada koox laacibkii reer Portuqal oo kulankaasi koobka loo tartamayay loogu magacdaray Eusebio iyadoo ay ka muuqatay firfircooni kadib markii xanuun uu ku soo booday intii lagu jirey tartankii Euro 2012.