
Fiorentina ayaa qarka u saarneyd inay ciyaaryahanka reer Bulgria la wareegaan ka dib heshiis shaqsi oo ay la gaareen isaga iyo heshiis ay la gaareen kooxdiisa Manchester United.
Lakiin heshiiskaas inta uusan dhicin waxaa ka afduubatay Juventus oo lacag ka fiican tii Fiorentina u soo bandhigtay, lakiin hadana markii heshiis ay gaareen Juventus iyo Manchester United, Barbatov ayaa dalbaday inuu arko dalabka Juve waxaana uu la gaaray heshiis shaqsi ah, lakiin hadana waxa uu ku wargeliyay inuu doonayo inuu ku biiro Fulham.
XANAAQII FIORENTINA
Hadaba maxaa laga yiri arintiisa, Fiorentina waxa ay carro kala duldhacday Juventus iyo Berbatov, waxaana warbixin ay soo dhigeen website-kooda lagu yiri:
“Fiorentina waxa ay ku dhawaaqeysaa in heshiiskii Dimitar Berbatov inuu gabi ahaanba burburay ka dib markii aan heshiis la gaarnay Manchester United, islamarkaana aan heshiis afka ah la gaarnay ciyaaryahanka.
“Maanta [shalay] ayaa kooxda Ingariiska ay u ogolaatay inuu ciyaaryahankooda yimaado Florence si uu tijaabada caafimaadka inoogu maro oo uu heshiis u saxiixo.
“Ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa waxa ay soo raaceen diyaarad ay tikadhada ka bixisay Fiorentina. Lakiin ma uusan imaan Florence.
“Waxaana ay taasi ku dhacday kooxo kale oo kibir badan, kuwasoo aan aqoonin ciyaar wanaag iyo sharciga Isboortiga, islamarkaana ku xadgudbay cadaalada.
“Markaan ciyaaryahanka u soo laabano, marka laga soo tago dabeecadiisa iyo qiimihiisa garoonka uu ku leeyahay, xilligaan la joogo waan ku faraxsanahay inuusan imaanin Fiorentina. Uma uu qalmo inuu yimaado magaaladeena oo uu xirto maaliyadeena iyo qiimaha ay leedahay.”
JAWAABTII JUVE
Juventus ayaa iyadana dhankeeda ka hadashay sida ay wax u dhaceen, waxaana sharaxaad ka bixiyay agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Marotta.
“Waxyaabahan oo kale waa iska caadi waana ay ka dhacaan suuqa kala iibsiga, gaar ahaan maalmaha ugu danbeeya” ayuu Marotta u sheegay Sky Sport Italia.
“Waxaan kaliya u dhawaanay Manchester United iyo ciyaaryahanka, markii aan ogaanay inuu iska diiday heshiiskii Fiorentina. Waxaa jiray dalab uga yimid Fulham, lakiin waxa uu doonayay inuu qiimeeyo dalabkeeda, islamarkaana jawaab agu soo celiyo caawa [xalay].
“Waxa uu doonayaa inuu sii joogo Premier League. Sababtii uu u aaday Munich? Xaaskiisa ayaa halkaas ka timid.”
Iyadoo haatan la shaaciyay in midkoodna Juve iyo Fiorentina uusan ku biireynin Berbatov, waxaa haatan loo badinayaa inuu u dhaqaaqayo Fulham, lakiin hadana wax walba ayaa suurtagal ah xilligaan la joogo.