
Udinese oo hadda ku jirta booska 3aad ayaa ah wali kooxda ugu rajadda fiican. waxey u baahantahay in ay badiso ama ay bareejo la gasho Catania. Haddii laga badiyo xitaa rajo ayeey leedahay laakiin waa in Napoli laga badiyaa isla markaana Lazio-Inter ay bareejo ku kala tagaan.
Lazio, hadda waxey ku jirtaa booska 4aad, booska 3d waxey ku heli kartaa in ay ka badiso Inter isla markaana Udinese oo ka natiijo wanaagsan laga badiyaa.
Napoli, oo kaalinta 5aad ku jirta, waxey booskaan ku heli kartaa in ay ka badiso Siena, isla markaana Udinese iyo Lazio laga wada badiyo.
Inter, waxey booska 3aad ee horyaalka ku heli kartaa in ay ka badiso Lazio, isla markaana Udinese iyo Napoli laga wada badiyo.
Udinese ayaa ugu natiijo wanaagsan waxey u baahantahay oo kaliyaha in ay hal dhibic hesho, halka 3da koox ee kale ay u baahan yihiin in ay mid walba badiso.