
Wakiilada xiddiga reer Japan ayaa u sheegay bilowgii bishaan kooxda Dortmund in xiddigan uusan heshiis cusub la geli doonin kooxda Jarmalka.
Haatan oo ay kulankii ugu danbeeyay la qaateen, Dortmund ayaa shaacisay in Kagawa uusan heshiis cusub kooxda u saxiixi doonin islamarkaana ay dhageysan doonaan dalabyada u imaanaya. “Waxaan shalayto kulan la lahaa wakiilkiisa, waxaaan Shinji Kagawa uu nagu soo wargeliyay inuusan heshiiska inoo kordhin doonin” ayuu agaasimaha Isboortiga Michael Zorc u sheegay jariirada Kicker.
“Hadii haatan aan dalabyo ku aadan Kagawa helno, waan texgelin doonaan inaan wadahadal ka furno”
Wararka Germany ka soo baxaya ayaa sheegaya in wakiilka Kagawa inuu u duulay England si uu wadahadalo u la yeesho Manchester United kuwasoo muddo badan doonayay 23 jirkaan.
Tababare Sir Alex Ferguson iyo caawiyihiisa Mike Phelan ayaa goob joog ka ahaa kulankii German Cup iyadoo uu Kagawa dhaliyay mid ka mid ah shantii gool ee ay koobka kaga qaadeen Bayern Munich.