
kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa xaqiijiyay inuu ka warqabo inay
xiiseyneyso kooxda Real Madrid.
Warar
Isbaanishka ka soo baxayay ayaa sheegayay in Ivanovic uu diirada u saaran yahay
tababare Jose Mourinho, iyadoo tababaraha reer Portugal uu doonayo inuu dhiso
Los Blancos si uu ugu hogaamiyo koobkoodii 10aad ee Champions League.
28 jirkaan ayaa ciyaaray kulankii xulkiisa Serbia ay xalay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Spain, waxaana uu xusay inuu ka warqabo xiiseynta Los Boancos, lakiin waxa uu carabka ku adkeeyay inuu ku faraxsan yahay nolosha Stamford Bridge.
“Waan
ka warqabaa wixii laga qoray mustaqbalkeyga iyo in Real Madrid ay i xiiseyneyso,
lakiin haatan lama joogo xilligii laga hadli lahaa” ayuu Ivanovic u sheegay
wargeyska Marca.
“Waxaan
diiradada saarayaa haatan xulka qarankeyga, waxaana ku faraxsanahay
Chelsea”.
“Waxaan
ku guuleystay Champions League isbuuc ka hor, inaan ku fekero inaan koox
bedeshana haatan waa mid adag. Aad ayaan ugu faraxsanahay London”.
Ivanovic,
oo ganaax kaga maqnaa finalkii Champions League, ayaa Chelsea kaga soo biiray
Lokomotiv Moscow 2008dii.