
Goolka qatar ahaa oo madax ah oo uu ka dhaliyay Sandro iyo rigoore uu u saxiixay Neymar ayaa Brazil guusha u sahlay, inkastoo xulka Great Britian oo uu kabtan u yahay Ryan Giggs ay niyad wanaag muujiyeen mararka qaar hadana wax hanjabaad ah uma aysan geysan goolka uu waardiyaha ka ahaa Rafael Barbosa.
Sida la filayay, xulka Brazil oo ay ku jireen ciyaaryahano da’ yar balse intooda badan xulka waa weyn u soo ciyaaray waxa ay kubad baas wadata ku wareeriyeen xulka GB, iyagoo banaanka soo dhigay in GB ay ka muuqatay inaysan hore iskula ciyaarin.
Lakiin Brazil ayaa goolal intaasi ka badan dhalin laheyd lakiin goolhaye Butland iyo goolhayihii bedelay ayaa fursado qaali ah ka badbaadiyay Neymar, Lucas Moura iyo Alexandro Pato.
Ka dib guuldaradii ku soo gaartay Middlesbrough xulka Great Britian, tartanka kubada cagta ee ciyaaraha Olimbikada ayaa bilaaban doona marka Team GB ay ka horyimaadaan July 26keeda xulka Senegal oo ay kuwada ciyaari doonaan garoonka Old Trafford.