
Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in tababare Brendan Rodgers inuu yahay
tababarahooda cusub kaasoo shaqada ka bedeli doona tababarihii la ceyriyay Kenny
Dalglish.
Shir
jaraa’id oo ay goordhow qabteen madaxda Liverpool iyo tababaraha cusub ayaa lagu
soo bandhigay tababarihii hore ee kooxda Swansea City, kaasoo sidoo kale hore u
soo kaxeystay caawiyayaashiisii Swansea.
Ninka
u dhashay Waqooyiga Ireland ayaa qalinka ku duugay heshiis seddex sanno ah, ka
dib markii Liverpool ay magdhow ahaan 5 milyan ginni u siisay kooxda Swansea
City.
Rodgers
ayaa aad loogu amaanay qaab ciyaareedkii uu ka hergeliyay kooxda Swansea kaasoo
ku dhisnaa kubada baaska ah ee ay caanka ku tahay kooxda Barcelona, waxaana
Rodgers uu ka soo hoos shaqeeyay macalinka kooxda Real Madrid Jose Mourinho
markii uu joogay Chelsea.
39
jirkaan ayaa sheegay inay macquul u noqon weysay inuu iska diido fursad uu ku
tababaro koox sida Liverpool ah.