
Tababaraha Talyaaniga ayaa weli u qiray in kooxda ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad inay xilli ciyaareedkan ku guuleystaan Champions League, lakiin tababaraha cusub Tito Vilanova ayaa ku tilmaamay inuu kooxda ka dhigay mid nugul.
“Labo kooxood ayaa ugu cadcad Champions League – Barcelona iyo Real Madrid” ayuu Ancelotti u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Barcelona waa ay xoogan tahay xitaa iyadoo uusan Guardiola heynin, lakiin waxa ay haatan u muuqdaan kuwa ka weerar yar sidii hore, islamarkaana aan diirada si fiican u saaran dhanka daafaca.
“Waxa ay u muuqdaan kuwa ka nugul sidii ay ahaayeen xilli ciyaareedyadii hore.”
Barcelona ayaa Group G waxa ay Champions League kula jirtaa Celtic, Spartak Moscow iyo Benfica.