
Weeraryahankaan ayaa haatan u muuqda inuu mar kale ku soo laabtay sidiisii hore ka dib dhibaatooyin uu ku dhex jiray xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu soo bandhigay shalay qaab ciyaareed fiican isagoo dhigay goolkii barbaraha ee City.
Waxa ay aheyd goolkii 100aad ee uu English Football uu ka dhaliyo 28 jirkaan, waxaana wareysiga uu siiyay Sky Sports uu ku sheegay inuu doonayo inuu ku sii negaado Sky Blues.
“Waqti dheer ka hor ayaan soo laabtay. Qoyskeyga halkaan ayay joogaan, caruurteyda halkaan ayay jogaan. Waan faraxsanahay, xaaskeyga waa ay faraxsan tahay, caruurteyda haatan waa ay faraxsan yihiin. Wax dhibaato ah ma jiraan, waan joogi doonaa.
“Waan joogi doona, labo sanno ayaa haatan iiga hartay qandaraaskeyga, lakiin aad ayaan u faraxsanahay.”
Mar la weydiiyay hadii uu doonayo inuu City sii joogo ka dib marka qandaraaskiisa uu dhamaado waxa uu ku jawaabay: “Haa, wax dhibaato ma lahan.”