
islamarkaana uu diirada saarayo kaliya inuu difaacdo horyaalka Premier
League.
28 jirkaan reer Argentina ayaa inta badan xilli ciyaareedkii hore ku qaata dalkiisa
ka dib markii ay isku dhaceen tababare Roberto Mancini. Lakiin seddex bilood ka
dib Tevez ayaa ku soo laabtay City waxaana uu raaligelin ka bixiyay dhaqankiisa
isagoo kooxda ka caawiyay inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee
Premier League tan iyo 1968dii.
“Waxaan qabaa haatan inaan dareemayo inaan saldhigtay kooxda, si aad ah ayaana u
shaqeynayaa” ayuu yiri Tevez oo ka jawaabayay su’aalo ay kooxda dejisay oo ay
taageerayaasha ku soo weydiinayeen Twitter.
Tevez ayaa lala xiriirinayay kooxda AC Milan, lakiin waxa uu sheegay inuu raaxo ku
dareemayo City.
“Ujeedada guud ee qof walba oo ka mid ah ciyaartoyda waa inay heystaan horyaal
fiican islamarkaana isku dayaan inay qaadaan mar kale, islamarkaana aan ka
gaarno Champions League ilaa iyo inta aan awoodno”.
“Waana waxa ciyaartoyda oo dhan ay doonayaan, sidoo kalena ay kooxda dooneyso”.
Tevez ayaa sidoo kale u sheegay taageerayaasha kooxda in goolashiisa uu ugu jecel
yahay ay yihiin goolasha uu ka dhaliyay kooxdiisii hore iyo kooxda ay City
xafiiltamaan ee Manchester United.