
Goolhayaha Real Madrid ayaa kulankiisii 137aad u saftay xulka dalkiisa isagoo sidoo kale jebiyey rikoor uu hore u dhigey Dino Zoff oo 494 daqiiqo aan laga badin isagoo goolhaye ah waxana uu rikoorkan cusub Casillas ku dhigey 511 daqiiqo isagoo aan laga badin kadib kulankii ay mar labaad ku guuleysatay koobka qaramada Yurub ee 2012.
Bilowgii sanadkan ayuu Casillas waxa uu dhaafay ciyaaryahankii hore u haystay inta jeer ee uu ka ciyaaray dalka Spain ee ahaa goolhayihii hore ee kooxaha Athletic Bilbao,Barcelona iyo Valencia Andoni Zubizarreta, waxana uu haatan isagoo 31 jir ah uu gaaray in uu 100 jeer guul la wadaago xulka dalkiisa.
Casillas waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee boqol jeer kulamo caalami ah ku guuleysta iyadoo laacibka reer Masar Ahmed Hassam ee qadka dhexe ka ciyaara uu 94 jeer guul ah haysto waxaana sidoo kale 94 jeer haysta daaficii hore ee reer France Lilian Thuram, halka ay goolhayihii hore ee Saudi Arabia Mohamed Ali Deayea iyo weeraryahanka reer Iran Ali Daei ay min 89 jeer kula guuleysteen ciyaaro xulkooda.
Laacibka reer Germany Lothar Matthaus oo u saftay xulka dalkiisa 150 kulan ayaa isagana ku sii xiga oo leh 87 jeer oo guul ah.
Casillas ayaa kabtan u ahaa xulka dalkiisa saddex jeer oo ay koobab heer caalami ah ku guuleystaan xulka La Roja oo kala ah Euro 2008, koobkii adduunka 2010 iyo mar kale Euro 2012.