
Fabregas ayaa Arsenal ka tagay xagaagii hore isagoo ku laabtay kooxdiisii hore ee Barcelona, waxaana uu ugu baaqay saaxiibkiisii ay isku kooxda ahaan jireen inuu sii joogo Gunners oo uu ka caawiyo inay koobab ku guuleystaan.
Taageerayaal badan oo Gunners ah ayaa laga yaabaa inay la yaab ku noqoto hadalka ka soo baxaya Fabregas, madaama ciyaaryahanka khadka dhexe uu qeyb ka ahaa waqti dheer oo saxiixiisa la isku heystay, lakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sheegay inuu weli yahay taageere Arsenal ah.
Waxa uu u sheegay wargeyska ka soo Catalan: “Madaama aan ahay taageere Arsenal waxaan ku faraxsanaan lahaa hadii Robin van Persie uu sii joogo London islamarkaana uu ka caawiyo in Arsenal ay ku guuleysato koobab”.
Arsenal ayaa wajaheysa xagaagakale oo dheer oo ay u dagaalami doonaan inay ceshtaan kabtankooda haatan Robin van Persie kaasoo ay doonayaan kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada Yurub.
Arsenal ayaa u soo bandhigtay Van Persie heshiis uu ku qaadanayo isbuucii 130 kun ginni, iyo 5 milyan kaash ah hadii uu saxiixo heshiiska cusub oo uu kooxda kula sii joogayo.