
Kooxda boorsada weyn ee PSG ayaana ciyaarta ku gacansareysay qeybtii hore, iyagoo hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 32aad markii xiddigooda Zlatan Ibrahimovic uu gool shabaqa u cusjiyay.
Goolkaas ayaana ahaa goolkii 30aad ee Ibrahimovic uu ka dhaliyo koobkaan Champions League.
PSG ayaana goolkeedii labaad heshay 10 daqiiqo ka dib markii Menez uu goolka labaad u dhaliyay iyadoo goolkaas uu ka soo shaqeeyay kubadsameeye Javier Pastore, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Faransiiska.
Waxaana PSG guusha u xaqiijiyay dhamaadkii ciyaarta ciyaaryahan Hoarau oo dhaliyay goolkii seddexaad ee ciyaarta.
PSG ayaa haatan waxa ay leedahay 6 dhibcood ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen Champions League xilli ciyaareedkan.
Kulanka kale ee Group-kaan kooxda FC Porto ayaa 3-2 ku suldaartay kooxda Dynamo Kyiv, waxaana ay hogaanka Group A ku hayaan kooxda reer Portugal 9 dhibcood seddex kulan oo ay ciyaareen.
PSG ayaana kaalinta labaad ku jirta oo leh 6 dhibcood, halka Dynamo Kiev ay leedahay 3 dhibcood, Dinamo Zagreb ayaa iyada inta badan ka quusatay tartankaan ka dib 3 kulan oo ay ciyaareen iyagoo aan wax dhibic ah weli helin.