
Kooxda soo gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa daaha uga furtay ciyaarta gool ay dhaliyeen daqiiqadii 20aad. Thomas Muller ayaana gool rigoore ahaa u saxiixay ka dib markii Lahm qalad lagula galay diilinta ganaaxa, inkastoo rigooradaas ay aheyd mid muran uu ku jiro.
Goolkaas rigoorada ah ayayna ku soo dhamaatay ciyaarta, islamarkaana guusha ku raacday kooxda ka dhisan Bundesliga.
Valencia ayaa iyadana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku qabatay gool rigoore ahaa oo uu u saxiixay Soldado, oo isaga uun keensaday rigooradaas.
Soldado ayaana qeybtii labaad ee daqiiqadii 54aad u labeeyay kooxda Valencia ka dib karoos ka yimid Guardado. Soldado ayaana goolkiisii seddexaad ee Hatrick dhameystirtay daqiiqadii 69aad ee ciyaarta, isagoo ciyaarta ka dhigay 3-0 oo ay guusha ku raacday Valencia.
Waxaana ay ka dhigeysaa in BATE, Bayern Munich iyo Valencia ay 6 dhibcood group-ka kuwada hogaamiyaan taasoo sii adkeyneysa groupkaan.