
Waxa ay aheyd habeen inta badan kooxaha waa weyn gool looga naxsanayay Champions League, waxaana daqiiqadii 18aad Barcelona gool kaga naxsatay Celtic, Samaras ayaana kubad madax aheyd oo ku sii dhacday Mashcerano ay dabamartay goolhaye Valdes, iyadoo taageerayaasha Celtic ee garoonka Camp Nou uu hal mar sawaxan weyn ka soo baxay.
Inkastoo goolka uu ahaa mid uu iska dhaliyay Mascherano, hadana Uefa ayaa u qortay goolka inuu dhaliyay Samaras.
Ciyaaryahankii goolka ka dhaliyay Barcelona Samaras ayaana dhaawac ku baxay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii si xun dhulka ugu dhacay islamarkaana xanuun weyn uu ka soo wajahay canqowgiisa.
Laakiin Barcelona oo ciyaarta inteeda badan heystay ayaana goolka barbaraha heshay ka hor inta uusan yeerin seeriga qeybtii hore ee ciyaarta.
Andres Iniesta ayaana shabaqa ku hubsaday goolka ka dib markii kubad taabasho ah ay diilinta ganaaxa Celtic kuwada ciyaareen Xavi Hernandez.
Ciyaarta oo ku socotay barbaro 1-1 ah ayaa Barcelona waxaa furtay Jordi Alba oo goolka guusha u dhaliyay dhamaadkii ciyaarta, taasoo u sahashay inay seddex dhibcood oo muhim ah ka qaataan Celtic.
Kulanka kale ee Group G kooxda Spartak Moscow ayaa heshay guushii ugu horeysay ee group-kaan ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Benfica oo marti u aheyd.
Barcelona ayaana group-kaan ku hogaamineysa 9 dhibcood, halka Celtic ay leedahay afar dhibcood, Spartak Moscow ayaa leh 3 dhibcood, Benfica ayaana u hooseysa oo leh dhibic kaliya.