
Kooxda Manchester United ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii labaad ee ciyaarta. Ka dib markii kooner uu soo tuuray Hugo Viana uu madax ku dhaliyay Alan.
Markii ugu danbeysay ee United gool Champions League laga dhaliyo ka hor 1:20 ilbiriqsi iyadoo ku ciyaareysa Old Trafford, waxa ay aheyd October 1997dii kulan ay la ciyaarayeen Juventus, waxaana gool ka dhaliyay Del Piero 20 ilbirisi markii ay ciyaarta socotay.
Xaalada United ayaa noqotay mid ka sii daran sidii hore markii Braga ay shabaqa ku hubsatay goolkoodii labaad ee ciyaarta daqiiqadii labaatanaad. Eder ayaa meel xidlo ah kaga tagay Carrick oo daafac dhexe ciyaarayay, waxaana uu kubad u dhigay Alan kaasoo si aan caadi aheyn u dhameystiray, waana goolkiisii labaad ee ciyaarta.
5 daqiiqo ka dib waxaa United gool u soo celiyay Javier Hernandez ka dib markii uu madaxeeyay karoos uu soo dhigay xiddiga reer Japan Shinji Kagawa.
Ciyaarta oo 10 daqiiqo ay dhiman tahay qeybtii hore ayaa United ay ku andacootay inay rigoore leedahay ka dib markii Buttner uu ku dhacay afka hore ee diilinta ganaaxa, laakiin garsooraha ayaa tilmaamay inaysan rigoore aheyn.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida ah ee Braga.
Daqiiqadii 62aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa United ay u suurogashay inay barbareeyaan, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay daafacooda Jonny Evans, iyadoo goolkaas uu ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo tartamada Yurub.
Waxaana soo laabashada Man United ee ciyaarta ay noqotay miud dhameystiran ka dib markii Javier Hernandez uu hogaanka u dhiibay islamarkaana dhaliyay goolkii 3aad ee ciyaarta daqiiqadii 75aad, isagoo madax ku dhaliyay karoos fiican oo ka yimid Tom Cleverley.
Guushaas ay gaartay Man United ayaana ka saaciday inay 9 dhibcood ku qabtaan hogaanka Group H seddex kulan oo ay ciyaareen,
Kooxaha kale ee Group-ka Cluj iyo Galatasaray ayaa iyagana ku kala baxay barbar 1-1 ah, Cluj ayaana soo gashay kaalinta laabad iyagoo leh 4 dhibcood, halka Braga ay leedahay seddex dhibcood, Galatasaray ayaana ugu hooseysa oo leh hal dhibic kaliya.