
Blues ayaa waqti dheer xiiseyneysay ciyaaryahanka reer Brazil, waxaana kooxda horyaalka Yurub laga yaabaa inay suuqa u gasho weeraryahan cusub ka dib bixitaanka Didier Drogba.
Hulk ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 100 milyan euro taasoo ilqabad leh, lakiin waxa ay u muuqataa in ciyaaryahanka uu doonaya inuu ka tago Porto oo uu ku biiro koox ku guuleysan karta Champions League.
Wakiilkiisa Teodoro Fonseca ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin haatan dalabyo u yimid weeraryahanka awooda leh, lakiin waxa uu sheegay inuu bilaabi doono maalmaha soo socda inuu ka shaqeeyo mustaqbalka ciyaaryahanka.
“Weli wax dalab ah inama soo gaarin, lakiin waxaa jira xiiseyn wax intaas dhaafsiisan haatan ma jiraan. Waxaan bilaabi doonaan inaan arintaas ka shaqeeyo isbuuca soo socda” ayuu Fonseca u sheegayLancenet.
“Waxaa jira afar koox kale oo Ingariis ah oo ciyaaryahanka xiiseyneysa, marka laga soo tago Chelsea”.
“Porto waa koox weyn, islamarkaana magac ku leh Yurub. Dhibaatada waxa ay tahay horyaalka Portugal. Hulk waxa uu kula guuleysto Porto wax walba marka laga reebo Champions League”.
“Riyadiisa ku aadan inuu ku guuleysto Champions League iyo inuu boos muhim ah ka helo xulkiisa qaranka ayaa keeneysa inuu u hayaao horyaal tartan adag leh, waxaana jeclaan laheyn Premier League”.