
Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.
Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Axad ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.
Manchester City ayaa wali xiise weyn u haysa xiddiga Barcelona ee Lionel Messi oo qandaraaskiisu ku egyahay xagaagan soo socda. 33 jirkan reer Argentina ayay City doonaysaa inuu ugu kala ciyaaro Etihad Stadium iyo marka kale oo ay isku sii dhaafiyaan naadigooda kale ee Maraykanka ka dhisan ee New York City FC. (Mundo Deportivo)
Lionel Messi ayaa ku xidhay Manchester City laba shuruudood oo kala ah inay sii joogaan tababare Pep Guardiola iyo weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Sergio Aguero. (El Chiringuito)
Guardiola waxa uu qarka u saaran yahay inuu saxeexo heshiis cusub oo shan sannadood oo kale uu kusii laylinayo Manchester City. (Telegraph)Chelsea iyo Liverpool ayaa labaduba danaynaya inay lasoo saxeexdaan laacibka da’da yar ee Barcelona ee Alejandro Balde oo 17 jir ah, kana ciyaara difaaca bidix, kaas oo uu Ronald Koeman qorshaynayo inuu kooxdiisa koowaad ka dhigo. (Sport)
Agaasimaha Ajax ee Marc Overmars ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu shaqo ka bilaabo meel kale, iyadoo lala xidhiidhinayo in Edwin van der Sar oo isaguna ah agaasimaha fulinta ee Ajax ay isku raacayaan Manchester United. (Mirror)
Liverpool iyo Everton ayaa labaduba doonaya difaaca reer Brazil ee Gleison Bremer oo ah 23 jir u ciyaara Torino. (Liverpool Echo)
Manchester United ayaa looga digay in difaaceeda Eric Bailly uu ka fiirsan doono mustaqbalkiisa, haddii aan horumar laga samaynin sida xaaladdiisa Old Trafford ay tahay. Wakiilka 26 jirkan reer Ivory Coast ayaa digniintan diray. (Calciomercato)
Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa sheegay in 21 jirka khadka dhexe ee Gedson Fernandes oo ay amaah kaga soo qaateen Benfica uu qandaraaskiisa burburin doono bisha January. (Sport TV)
Taageereyaasha Manchester City ayaa rumaysan in kooxdoodu u baahan tahay inay heshiis waqti gaaban ah la gasho Edin Dzeko oo 34 jir ah, horena ugu ciyaari jiray balse waqtigan AS Roma ka tirsan. Waxay rumaysan yihiin in bisha January ay heli karayaan. (MEN)
Juventus ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro difaaca reer Austria ee David Alaba oo 28 jir ah. Laacibkan ayuu heshiiskiisa Bayern Munich ku eg yahay dhamaadka xili ciyaareedkan. (Tuttosport)
Halyeygii Liverpool ee Sir Kenny Dalglish ayaa rumaysan in tababaraha Reds ee Jurgen Klopp uu xalka ugu fiican u heli doono dhibaatada difaaca ee kooxdiisa kaddib dhaawacyadii Virgil van Dijk iyo Joe Gomez. (Liverpool Echo).