
Tottenham ayaa loo maleynayay inay horkaceyso tartanka loogu jiray saxiixa xiddiga kooxda Internacional, iyadoo tababare Andre Villas-Boas uu u calaamadeystay Oscar mid ka mid ah ciyaartoyda diirada u saran xagaagan.
Si kastaba, Chelsea ayaa haatan ka hoos xaluulatay kooxda ay Premier League ku xafiiltamaan iyagoo miiska u soo saaray kooxda reer Brazil 25 milyan euro oo ay ku doonayaan ciyaaryahankaan oo Brazil u ciyaari doona ciyaaraha Olimbikada adduunka.
Mid ka mid ah wakiilada Oscar Carlos Meinberg Neto ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay dalbatay 20 jirkaan, lakiin waxa uu sheegay in weli aysan labadan kooxood wax heshiis ah gaarin.
“Chelsea waxa ay ku soo dalbatay 25 milyan euro, lakiin weli kooxaha wax heshiis ah ma aysan gaarin, waxaana heshiiska uu dhici karaa maalmaha soo socda” ayuu Neto u sheegay Terraa.
Neto ayaa sidoo kale shaaciyay inuu filanayo inuu Oscar ka xusho Tottenham Chelsea, islamarkaana heshiiskiisa la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda.
“Giuliano Bertolucci (wakiilka kale ee Oscar) ayaa u safri doona England si uu u soo dhameeyo inta ka hartay heshiiska” ayuu yiri.
“Tottenham sidoo kale dalab ayay soo bandhigtay, lakiin waa inuu aqbalaa dalabka Chelsea madaama wax badan ay halkaas yaalaan”.